HomeWarkiiDAAWO: Kulanka Farmaajo uu goor dhaw la yeeshay Saciid Deni iyo Axmed...

DAAWO: Kulanka Farmaajo uu goor dhaw la yeeshay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

May be an image of one or more people and newsroomMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhaw hoteelka ay degan yihiin ku booqday  madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa xeyndaabka xalane ee Magaalada Muqdisho.

Shir u dhexeeya labada dhinac ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhaw oo saaka ah ka bilowday Airport Hotel ee xalane waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlayaan xaalada guud ahaan dalka iyo doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona madaama uu gabaabsi yahay muda xileedka Madaxweyne Xasan.

Waxaa aad loo xasuustaa in muda xileedkii Farmaajo dhinacyadaan uu dhex maray dagaal diblomaasiyadaadeed kii ugu qaraaraa xili Farmaajo cunaqabteyn xitaa saaran Magaalada Kismaayo sidaas oo kale mashaariicdii Puntland ka joojiyay.

Lama yaqaan hadii dhinacyadaani iska cafin doonaan xurgufyadii hore u soo dhexmaray islamarkaana ay u midoobi doonaan sidii ay Odey Xasan u wada mucaaradi lahaayeen oo uga ridan lahaayeen xilka.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

No photo description available.No photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -