HomeWarkiiFarmaajo oo taageeray baaqii Shariif Sh.Axmed, una aqbalay Madaxeyne Xassan

Farmaajo oo taageeray baaqii Shariif Sh.Axmed, una aqbalay Madaxeyne Xassan

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa taageero u muujiyay baaqii ka soo baxay shalay Madaxweynihi hore ee Somalia Shariif Sh.Axmed, islamarkaana uu aqbalay ama taageeray Madaxeyne Xassan Sheekh.
Qoraal Farmaajo soo dhigay barihiisa bulshada oo sideeda u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqii shalay uu soo jeediyay madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed uuna taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar ay ka hadlayeen madashii caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ahayd madal muujisay baahida ay Soomaalidu u qabto midnimo iyo wadahadal.

Baaqa Madaxweynayaasha waxaa uu salka ku hayey kaalinta ay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku kulmay caasimadda dalka ay ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira.

Haddaba waxaan sidoo kale halkan baaq uga gudbinayaa duubabka Soomaaliyeed inay u istaagaan gudashada waajibkooda, ayna kaalin mug leh ka qaataan sidii loo gaari-lahaa xal siyaasadeed oo looga badbaado dib u laabasho siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye.

Ugu dambeyn, waxaan markale madaxda siyaasadda dalka muxaafid iyo mucaarad ugu baaqayaa inaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed siinno kaalin dhab ah oo ay ka qaadan karaan geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, bacdamaa ayagu ahaayeen kuwii dhisay hannaankii lagu unkay jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya.May be an image of ticket stub and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -