Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta war ka soo saaray dib u doorashadii Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari ee C/qaadir Firdhiye.
Qoraalka Farmaajo ayaa sidan u qornaa:-
Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.
Hoggaanka la doortay ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo doortay oo ay ugu horreyso dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladeed, xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka, adkaynta amniga iyo xaqiijinta hiigsiga dadja deegaanka.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Xildhibaannada, Guddoonka iyo Guddiga Doorashada, musharrixiinta iyo laamaha amniga, anigoo ku adkeynaya bulshada iyo hoggaanka Waqoogi Bari in ay adkeeyaan midnimada iyo wadashaqeynta ku aaddan nabadda iyo horumarka.
DHAMMAAD
