Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmajo iyo Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadleen xuska maalinta xoriyada gobolada waqooyi Somalia.
Qoraalka Madaxweyne hore Farmaajo
Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda 26-ka Juun ee xornimada gobollada woqooyi ee dalka oo qiima weyn ugu fadhida gobannimada iyo wadajirka dalkeenna.
Munaasabaddan oo salka ku haysa miro-dhalka dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee ka curtay gobollada woqooyi, maanta weli waxaa muuqata baahida loo qabo halgan lagu xoojiyo midnimada, isjacaylka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay muujiyaan, una dabbaal degaan Toddobaadka Xorriyadda oo caawa inoo bilowday, si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed ee bulshadeenna, una muujinno muuhiimadda ay inoogu fadhido xoriyadda.
Hambalyo munaasabadda 26-ka Juun
QORAALKA RA’IISULWASAARE HORE XASAN CALI KHEYRE
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee 26ka Juun oo ku beegan sanadguurada 65aad ee ka soo wareegatay maalinkii ay Gobollada Waqooyi xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.
26ka Juun waa maalin taariikhi ah oo aan dib u xusuusanayno sooyaalkeenna iyo halyeeyadii u soo halgamay in ay dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaadaan heeryadii gumeysiga.
Xornimada Gobollada Waqooyi waxa ay astaan u tahay midnimada Soomaaliya oo ay horseed u ahaayeen. Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku boorrinayaa in dib loo bilaabo wadahadallada, si loo xaqiijiyo himillada halyeeyadii soo hooyay guushan taariikhiga ah.
Mar kale hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

