KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Khaliif C/qaadir Macalin Nuur iyo C/raxmaan Faroole oo ah madaxweynihii hore ee Puntland ayaa hadaladii ugu yaabka badnaa ka jeediyay shirka Kismaayo xili ay isku juo hoose yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh.
Khaliif C/qaadir Macalin Nuur wuxuu si cad u sheegay in markii hore uu aaminsanaa in Madaxweyne Xassan dhab ka tahay doorashada uu wado ee qof iyo cod sida uu warka u dhigay balse uu dib ka ogaaday inuu wato mid boob ah
“waana kusoo ogaaday Madaxweyne, 70 jir baad tahay dadka in aad run sheegayso u maleeyay, oo doorashada aad rabtid in aad boobtid kusoo raacay ayaan ku jiray ” ayuu yiri C/qaadir Khaiif Macalin Nuur
Sidoo kale waxaa isna hadalo kale oo yaab leh soo jeediyay Senator C/raxmaan Faroole kaasoo sheegay in Dowladu ku qabsabtay inay aad ugu dhawaadaan Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.
“Puntland baa la kala jeexay, oo waxaa laga soo jeexay SSC, annaguna Somaliland baan u sii dhowaanay.” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
