Waa markii ugu horreysay ee la iga dhacay Telfoonkeygii gacanta, waxaana iga qaatay rag xiran dharka ciidanka dowladda oo uu afka ugu xirnaa Facemask. Waxey igu qabteen Xaafad kamida Degmada Warta Nabada waliba gurigeyga hortiisa xilli aan ka dagayay Mooto Bajaaj aniga iyo Saphon Gurei , waxey nagu qabteen qoryo, waxeyna nagu amreen in aan dhiibno telfoonada kana furno Password-yada. Waan qalqalay, waxaan garan waayay Password-kii iigu xirnaa telfoonkeyga, madama inta badan ku furanjiray passwordka wajiga waxeyna ii sheegeen haddaan furi waayo in ay idili doonaan, Safiya oo furtay keeda ayaa ku tiri “gabadha wey qalqalsantahay fadlan ha dilinina”. Ugu dambeyn wuxuu askari ka mid ah kuwii na heystay iigu shubay dharbaaxo aan la wareeray, oo igu qasabtay inaan dhakhtar tago ka dib markaa dhagtuu igu dhuftay wax ka maqli waayay. Alx, hadda waa roonahay, ujeedka aan idinkula wadaagayna waa in aad iska jirtaan dhaca kusoo saa’iday qeybo badan oo ka mid ah magaalad Muqdisho, Allaha nagu amaansado marxaladdaan kala guurka ah, waddankana Allaha noo hagaajiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here