MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Guud ahaan waan waantii iyo isku dayadii lagu doonayay in lagu qanciyo Kooxda koonfur-Galbeed inay sii wataan tartanka ayaa fashil ku soo dhamaaday.

Masuuliyiinta Siyaasada iyo Isboortiga intaba waa lala xiriiray xitaa waxaa wararka qaar sheegayaan in Madaxweynaha Koonfur-Galbeed ay gaartay sidii loogu qancin lahaa inaysan bixin reer Koonfur Galbeed laakiin wax kasta waa fashilmeen sida wararka ugu dambeeya ay sheegayaan.

Advertisement

Ciyaartoyda iyo macalimiinta Koonfur Galbeed waxay hada isku diyaariyeen sidii ay Baydhabo ugu laaban lahaayeen iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan in Madaxweyne Lafta-Gareen uu amarka bixiyay inay kooxdu Baydhabo ku laabato.

Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya ee isku dayay in reer Koonfur Galbeed arintooda la xaliyo waxaa ka mida Wasiirka ciyaaraha Soomaliya,Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir kuwaasoo dhamaantood ku guul-dareystay inay xaliyaan arinta kuna qanciyaan koonfur-galbeed inay sii wataan tartanka.

Wararka kale ee aan la hubin oo baraha bulshada ku soo batay ayaa isna sheegaya in Macalimiinta oonfur-Galbeed xitaa lacag la isku dayay in xaal ahaan loo siiyo sida 30,000 doolar balse iyana ay shaqeyn waysay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be a graphic of text

Previous articlekooxo hubeysan oo maanta dileen Masuul ka tirsanaa Maamulka Dharkeenleey
Next articleDuqa Muqdisho oo Laamaha Amniga iyo kooxda Koonfur Galbeed la kulmay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here