Magaalooyinka tirsan Gobolka Geddo ee Maamulka Jubaland  sida Luuq iyo Baardheere waxaa laga soo sheegayaa saacadihii ugu danbeeyay inay ka dhaceen fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba iyo daadad ka dhashay roobaab waa weyn oo da’ay.
Sida ay cadeysay Xildhibaanad Duniya oo ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya dadka Gobolka Geedo ayaa caawa ku jira xaalad adag.
 “Reer Gedo waxaa isugu darsoomay Fatahaado, iyo daadad ka dhashay roob xoogan oo da’ay ”ayay tiri Xildhibaanad Dunuya .
Dadkii ku dhaqnaa xaafadaha qaar ee Baar-dheere iyo Luuq ayaa ka barakacay galabta  guryahooda roobabkaasi dartood.
XIildhibaanad Duniya waxay ka codsatay Dowlada Somalia,Maamulka Jubalalnd iyo Hay’ada maareynta masiibooyinka inay usoo gurmadaan shacabka reer Geddo ee saameyntu ku yeesheen roobabku.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleApple MacBook Air 2022 13.6in M2 8GB 256GB
Next articleWasiirka arimaha gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo caawa casho sharaf u sameeyeen Culumaa’udiin Ajaanib ah oo Xamar ku sugan+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here