LOS-ANGELES (DAYNIILE.COM)-Sida Warbaahinta dunida ay shaaciyeen FBI-da Mareykanka ayaa ka hor tagay oo fashiliyay qorshe kooxo hu beysani qaraxyo uga geysan lahaayeen Mareykanka marka la gaaro sanadka cusub oo Misiixiyiintu dabaal degaan dhamaadka December ilaa bilowga bisha Janaayo sanad kasta marka uu dhasho.
Ciidamada Mareykanu waxay qabteen 4 ruux oo sida la shaaciyay ka tirsan Jabhadda Xoreynta Jasiiradda Turtle kuwaasoo ka jira Dalka Falastiin inkastoo Mareykanku warbixintooda ku cadeeyeen inay wali shaki uun tahay in kooxdaasi malegeysay weerar ay ka geystaan Mareykanka.
Qorshe argagixiso oo looga shakisan yahay in loogu talo galay habeenka sanadka cusub oo ay soo maleegeen koox xagjir ah ayaa waxaa fashiliyay maamulka federaalka ee magaalada Los Angeles, sida ay saraakiishu sheegeen gaar ahaan weerar banbaano.
Sida BI-da shalay shaacisay qorshaha weeraradaani Ban-baano ayaa ahaa in laga geyto ilaa 5 xarumood oo ku yaalla koonfurta California,waxaana la qabtay eedeysanayaasha xili ay ku sii jeedeen tijaabinta walxaha qarxa oo ay ka sameyn lahaayeen saxaraha bari ee Los Angeles.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
