XIGASHO LAACIB.NET
Federico Chiesa ayaa diyaar u ah inuu qiime dhimis weyn ku sameeyo mushaharkiisa €6m-ka ah ee uu sanadkii ka qaato Liverpool si uu u fududeeyo u wareegitaankiisa Juventus bisha Janaayo, sida uu qoray wargeyska La Gazzetta dello Sport.
Xiddiga xulka qaranka Talyaaniga, oo xagaagii 2024 ka tagay Bianconeri isagoo ku biiray Anfield, ayaa si cad u muujiyay doonistiisa isagoo la xiriiray saaxiibadiisii hore ee Allianz Stadium. In kasta oo Liverpool ay ku adkaysanayso iib rasmi ah, Juventus waxay doorbidaysaa amaah bilow ah oo ay ku jirto waajib iibsi oo ku xiran qaab-ciyaareedka laacibka, taas oo ka dhigtay in wadahadalladu ay diiradda saaraan qiimaha iyo qaabka heshiiska.
Doorka xaddidan ee Chiesa ku leeyahay Liverpool, isagoo ciyaaray kaliya 529 daqiiqo xilli-ciyaareedkan 21 kulan oo uu saftay, ayaa kiciyay hadal-haynta dib u midoobista. Weeraryahankan 27-jirka ah ayaa ka qayb qaatay laba gool iyo saddex caawin mudadaas, balse wuxuu aad u doonayaa inuu si joogto ah ugu ciyaaro Turin.
XIGASHO LAACIB.NET

