HomeCiyaarahaFIFA oo go’aan kasoo saartay baaqyada lagu dalbanayo ganaaxa Israel ee Kubadda...

FIFA oo go’aan kasoo saartay baaqyada lagu dalbanayo ganaaxa Israel ee Kubadda Cagta

XIGASHO LAACIB.NETMadaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa khamiistii sheegay in ururka kubadda cagtu uusan awoodin inuu “xalliyo dhibaatooyinka juquraafiyeed”, kaddib baaqyo lagu dalbanayay in Israel laga mamnuuco tartanka.

Infantino, oo hoggaaminayay kulan ay yeesheen golaha sare ee FIFA, ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’adda ay danaynayso xoojinta nabadda iyo mideynta bulshooyinka iyada oo loo marayo ciyaaraha.

Isagoo ka hadlayay go’aanka, ayuu yiri:

“FIFA ma xallin karto dhibaatooyinka siyaasadda caalamka, balse waxa ay ku khasban tahay inay horumariso kubadda cagta adduunka, iyadoo adeegsanaysa qiimaheeda mideynta, waxbarashada, dhaqanka iyo bani’aadamnimada.”

Arrintan ayaa timid iyadoo hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah dalalka Yurub ay doonayeen in la hakiyo ka qaybgalka kooxaha Israel, balse cadaadiskaas ayaa yaraaday kaddib markii Aqalka Cad ee Mareykanka uu soo jeediyay qorshe nabadeed uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Israel ayaa la filayaa inay ciyaarto isreeb-reebka Koobka Adduunka iyadoo Norway Oslo kula ciyaari doonta 11-ka Oktoobar, ka hor inta aysan 14-ka bishan kula ciyaarin magaalada Udine.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -