XIGASHO LAACIB.NET
Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa si horudhac ah isugu raacay in kor loo qaado lacagaha abaalmarinta iyo gunnooyinka ka qaybgalka ee Koobka Adduunka 2026. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii xiriirada qaar ka mid ah waddamada ay muujiyeen walaac ku aaddan kharashka badan ee ku bixi doona ka qaybgalka tartankaas.
FIFA ayaa markii hore qorshaysay lacag dhan $727 milyan oo loogu talagalay abaalmarinnada, balse tiradaas ayaa hadda la filayaa inay sii korodho.
Sidoo kale, qorshahan waxaa qayb ka ah in la kordhiyo taageerada horumarineed ee la siiyo 211-ka xiriir ee xubnaha ka ah FIFA, taas oo markii hore lagu qiyaasay $2.7 bilyan muddada wareeggan hadda socda. FIFA ayaa xustay inay ku jirto xaaladdii maaliyadeed ee ugu adkayd taariikhdeeda, iyadoo rajeynaysa dakhli gaaraya ilaa $13 bilyan muddada wareegga Koobka Adduunka ee hadda socda.
XIGASHO LAACIB.NET
