Xiriirka Ciyaaraha Dunida ee FIFA ayaa maanta ku dhawaaqay inay World Cup-ka sanadka 2030-ka isla marti gelin doonaan sedex Dal oo ka soo kala jeeda Afrika,Yurub iyo Amerika.

Sedexda Dal ee mart gelin doona Koobka aduunka 2030-ka  ayaa kala ah Morocco, Spain iyo Portugal.

Advertisement

Sidoo kale Xiriirk FIFA wuxuu shaaciyay in ciyaaraha Furitaanka oo kaliya ay marti gelij doonaan  sedexda Dal ee kala ah Uruguay, Argentina iyo Paraguay.

Sadexdaan Dal ayaa loo siiyay ciyaaraha Furitaanka si ay u xusaan sannadguuradii 100-aad ee ciyaaraha adduunka, sida ay sheegtay FIFA.

Taariikhda waa markii ugu horeysay oo koobka Aduunka ay mar kaliya isla marti geliyaan sedex dal oo hadana sedex qaarad ka soo kala jeeda.

Si kastaba FIFA ayaa cadeysay in sedexda Dal ee kala ah Morocco, Portugal iyo Spain ay yihiin kuwa kaliya ee soo codsaday inay 2030-ka marti geliyaan Koobka Adduunka lagana aqbalay si wada jir ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

World Cup 2030: UEFA Chief and CAF Support Morocco-Spain-Portugal Bid – The North Africa Post

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here