Waxaa shalay lasoo xeray tababarkii FIFA MA Elite Referees Course oo socday muddo 5 maalmood Munaasabadda Waxaa soo xeray Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed Iyadoo ay goob joog ahaayeen Xubno ka tirsan Guddiga Fulinta , Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka iyo Tababarayaasha FIFA ee hogaaminayay siminaarka
Tababarkan Waxaa ka faa’ideystay 31 garsoore waxaana diiradda lagu saaray Kor u qaadista xirfadda garsoorayaasha Soomaaliyeed , Tababarro theory iyo practical ah oo heer caalami ah , Imtixaano la xiriira fitness iyo fahamka qawaaniinta ciyaarta .
Guddoomiyaha xiriirka ayaa ku ammaanay garsoorayaasha dadaalka ay muujiyeen intii uu socday tababarku, isagoo ballan qaaday in xiriirku sii wadi doono kobcinta tayada garsoorayaasha Soomaaliyeed.
=XIGASHO XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE KUBADA CAGTA=
























