HomeCiyaarahaFifa oo xayiraad culus kusoo rogtay PSG Iyo Chelsea ka hor Ciyaarta...

Fifa oo xayiraad culus kusoo rogtay PSG Iyo Chelsea ka hor Ciyaarta Finalka

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxaha Chelsea iyo Paris Saint-Germain (PSG) oo ku kulmi doona finalka Club World Cup ayaa wajahaya khasaaro dhaqaale, kaddib markii FIFA ay mamnuucday in la isticmaalo maaliyado garbahooda ay ku xardhan yihiin wax xayeysiis ah.

Sida ku cad qodobka 30.1 ee xeerarka qalabka ciyaartoyda ee FIFA, ururka kubadda cagta adduunka ayaa ku amray kooxaha in garbaha maaliyadaha lagu dhajiyo astaanta rasmiga ah ee tartanka, iyo mid kale oo ah ololaha FIFA, taasoo meesha ka saartay fursaddii kooxuhu ku muujin lahaayeen shirkadaha kafaala qaada.

“FIFA waxay bixin doontaa baaj gacmeedyo rasmi ah oo loogu talagalay garabka midig ee funaanadda, iyo mid kale oo la saari doono garabka bidix. Kooxaha ka qeyb galaya waxaa la siin doonaa tilmaamo gaar ah oo ku saabsan isticmaalka baajaj kaas” ayaa lagu yiri xeerka FIFA.

Arrintan ayaa si gaar ah u saameysay Chelsea iyo PSG oo labaduba ku jira heshiisyo dhaqaale oo xooggan.

Chelsea waxay qiyaastii $3 milyan sanadkii ka qaadataa shirkadda Live Nation, oo astaanteeda laga muujiyo garabka bidix – heshiiskaas ayaa dhamaanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

PSG waxay ka heshaa $9m–$11m sanadkii heshiiska ay la leedahay Visit Rwanda, kaasoo socday tan iyo 2019, waxaana loo kordhiyay ilaa 2028.

Xayiraaddan ayaa niyad-jabin doonta shirkadahaas, maadaama ay luminayaan muuqaalka caalamiga ah ee finalka ay malaayiin daawan doonaan. Waxaa sidoo kale laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato wada-hadallada mustaqbalka ee heshiisyada xayaysiiska.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -