FIQI: WAREYSIGII MADAXWEYNAHA “NIN KALIGIIS GARRAMAY”

 

FIQI: WAREYSIGII MADAXWEYNAHA “NIN KALIGIIS GARRAMAY”

Axmed Macallin Fiqi oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay wareysi uu maalmo ka hor bixiyey Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ku sheegay in wareysigaasi ahaa mid ay faafreeb ku sameysay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in aan madaxweynaha wax laga weydiin doorashadii Galmudug, is araggii isaga iyo Muuse Biixi, dhammaystirka dib u eegista dastuurka, arrimaha is dhexgalka geeska Afrika, dhiibistii Qalbidhagax iyo dalka sida doorasho uga dhacayso haddii khiaaf ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Xildhibaan Fiqi wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan u muuqan nin raba inuu dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, maadaama uu ku tilmaamay kuwo u shaqeeya shisheeye.

Sidoo kale Xildhibaan Fiqi waxa uu xusay in jawaabaha uu ka bixinayey madaxweynuhu su’aalaha la weydiiyey badankoodu aysan ahayn kuwo is leh, wuxuuna sheegay in lagu tilmaami karay “Nin kaligii garramay”.

Gabagabadiina Fiqi waxa uu sheegay in waraysigu uu banaanka soo dhigay in Madaxweyne Farmaajo ay maskaxdiisa ka guuxayso muddo kororsi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064