DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Waqooyi-beri C/qaadir Aw-Cali Firdhiye iyo Xildhibaan C/raxman C/sukuur Warsame oo ka wada qeybgalaya shirka Heritage ee ka socda Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galm-dug ayaa makaroofanka isugu jawaabay markii mid kasta uu khudbadiisa shirka jeedinayay.
C/raxmaan C/shukuur oo markii hore khudbadka jeediyay ayaa shirka ka sheegay inaan la inkiri karin in Somaliland dhib loo geystay islamarkaana xiligii Dowladii kacaanka magaca Dowlada lagu dhibateeyay.
Madaxweyne C/qaadir Firdhiye oo daba socday ereyada C/raxmaan C/shukuur ayaa sheegay in dhibka Somaliland uu ka danbeeyay kii reer Laascoonood loo geystay 2023-kii isagoo carabka ku adkeeyay in Maamulka Somaliland 8 bilood duqeyn ku hayay shacabka reer Laas-caanood.
“war anigu Somalinimaan doonayaaye yaan la iga daba-geyn kuwo Somalinimada diidan” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Maamulka Waqooyi-beri C/qaadir Aw-Cali Firdhiye
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
Muuqaalka waxaa iska leh Dhulmar Media
