CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha maamulka cusub ee SSC Khaatumo C/qaadir Aw-Cali Firdhiye oo maalmo badan ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta ku laabtay Magaalada Laas-caanood ee Xarunta maamulkiisa.Madaxweyne Firdhiye ayaa soo dhaweyntiisa kadib wuxuu si kulul uga hadlay talaabo dhawaan ciidamada Booliiska Laas-caaood qaadeen markii wiilal ku eedeysan kufsi u ogolaadeen inay ka qeybgalaan imtixaanka dugsiga sare.
“kiiskaan kufsiga ah Waa mid Reer SSC-Khaatumo ay gunimo ku qaadandoonaan ama gobonimo,talaabada aan qaadidoonana waxay noqondoontaa mid ka farxisa guud ahaan gabdhaha SSC-Khaatumo”ayuu mar kale yiri Hogaamiye Firdhiye
“laamaha amaanka waa lagula xisaabtamayaa, qalad bayna ku ahayd in dambiilayaal la geeyo imtixaan”ayuu yiri Firdhiye
Hoggaamiyaha wuxuu carabka ku adkeeyay oo ballanqaaday caddaalad dhammaystiran oo ay helaan gabdhaha reer SSC Khaatumo , wuxuu ku nuux nuuxsaday doorka haweenka SSC Khaatumo ku leeyihiin halgankii ay soo galeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



\\\\








DAYNIILE.COM




\\\\








