XIGASHO LAACIB.NET

Mustaqbalka Marc-André ter Stegen ee kabtannimada Barcelona weli ma cadda, balse goolhayaha reer Jarmal ayaa durba helay taageero cad oo uga timid saaxiibadiisa kooxda, sida uu qoray wargeyska AS.
Inkastoo maamulka kooxda ay ka fiirsanayaan in la beddelo goolhayaha koowaad, isla markaana ay la saxiixdeen Joan Garcia oo u diyaarsan mustaqbalka fog ee kooxda, haddana Ter Stegen wuxuu si cad u diiday inuu kooxda ka tago. Wuxuu dib ugu soo laabtay xerada kooxda isagoo la tacaalaya dhaawac dhabarka ah, taasoo ku qasabtay qalliin kale – arrin meesha ka saaraysa inuu ku wareego koox kale kahor suuqa January.
Tababare Hansi Flick ayaa horey u sheegay in toddobaad kahor bilowga xilli ciyaareedka la qaban doono codbixin ciyaartoydu ay kaga arrinsanayaan cidda xiran doonta calaamadda kabtannimada.
Inkasta oo cabashooyin gudaha ah ay jireen oo la xiriiray hab-dhaqankii Ter Stegen dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, haddana taageerada ciyaartoyda ayaa ah mid xooggan:
- Frenkie de Jong ayaa yiri: “Aniga ahaan, Marc waa kabtankeena. Waa ciyaaryahan heer caalami ah, waana mid mar walba nafta u hura kooxda.”
- Ferran Torres ayaa isna sheegay: “Weli kama aanan hadal codbixinta, balse marka loo eego waayo-aragnimada iyo muddada uu kooxda la joogay, waxaan aaminsanahay in Ter Stegen mar kale noqon doono kabtanka.”
- Daafaca da’da yar Pau Cubarsí ayaa isaguna yiri: “Waxaan nahay kuwo deggan – isagu waa kabtankeena, waana ku faraxsan-nahay arrintaas.”
Inkasta oo qaar kamid ah madaxda kooxda aysan ku qanacsaneyn qaabkii uu Ter Stegen ula tacaalay xaaladihii dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, haddana wuxuu haystaa fursad weyn oo uu mar kale ku sii hayn karo kabtannimada kooxda – ugu yaraan ilaa iyo bisha Janaayo.
