HomeWarkiiFolkaano ka ka qarxay mid ka mida Gobolada Dalka Itoobiya

Folkaano ka ka qarxay mid ka mida Gobolada Dalka Itoobiya

AFDERA (DAYNIILE.COM)-Gobolka Afdera ee Dalka Itoobiya waxaa laga soo sheegayaa inuu Folkaano ka qarxay islamarkaana uu socday mudo saacado ah,iyad oo la arkay galabtii sabti qiiq iyo qaraxyo is xigsaday taasoo sida ay cadeeyeen aqoonyahano dhanka cilmibaarista hawada sare ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa folkaanaha uusan sababin dhulgariir walina aqoonyahanadu ma sheegin cabirka folkaanaha heerka uu gaarsiisnaa .

“Awoodda dhulka hoostiisa ayaa si xoog leh ku soo jabisay dhagxaanta oo kor u soo baxday,markaana waxay sameysay dhawaaq xoogan” ayuu yiri Prof. Atalay oo ah madaxa cilmibaarista hawada sare islamarkaana u waramayay BBC-da

Sidoo kale folkaanaha intii uu socday qiiqa iyo dambasta wada socda ayaa gaaray ilaa meel sare taasoo keeni karta in qiiqa uu u sii dhaqaaqo oo uu gaaro dalalka Carabeed ee Sucuudiga iyo Yemen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -