Koox mooryaan ah ayaa sagaashameeyadii isbaaro dhigatay agagaarka miisaanka dhuxusha. Wexey halkaa la yimaadeen miisaan ay dadka culeyskooda ku cabbiraan, lacag ayeyna socotada ka qaadi jireen.

Lacagta laga qaadayo qofka isbaaradaas ku dhaca wexey ku xirneyd inta uu la eg yahay culeyska qofka. Qofka aad caato u ah lacag kama eysan qaadi jirin, qofka buuranna wuxuu lacag ku bixinayay hadba inta uu miisaankiisa yahay. Wexey aheyd fowdo gaartay heerkii u sarreeyay.

Hadda fowdada dhanka dowladnimada wexey mareysaa in qaar ka mid ah xildhibaannadii la doortay la baafinayo si loo diiwaan geliyo dalkana ay doorasho uga dhacdo. Waa fowdo gaartay heerkii u sarreyay.

Qore Cali Osoble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here