MUQDISHO(DAYNIIILE.COM)-Waxaa shalay galab kulan saacado qaatay yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Siyiinta xukun doonka ah ee mucaaradka ku ah Dowlada.

Siyaasiyiinta Madaxweynaha is arkeen waxaa ka mid ah Shariif Sheekh Axmed,Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan Cabdi-shukuur Warsame waxayna isla gorfeeyeen wax ka badalka dastuurka oo ay si aad ah isugu hayaan.

Advertisement

Labada dhinac waxay isla garteen in la soo dhameystiro Madasha wada-tashiga qaran walibana si gaar ah ah Puntland lagu soo daro geedi socodka qabya tirka dastuurka.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in hab raaca wax ka badalka dasturka loo maro hab-raaca ku xusan cutubka 15-aad ee dasuurka oo aan meel looga leexan,si taas loo suurtagliyana in marka hore wada-tashi dadweynaha laga hor mariyo baarlamaanka,lana magacaabo gudi xildhibaano ah kuwaasoo ka soo tala bixiya nidaamka dowladnimada ee madaxtooyada iyo baarlamaaniga ah iyo in la is waafajiyo wax ka badalka iyo xaalada somaliland.

Waxaa kale oo la isla gartay in Gudoonka labada aqal ay qeyb ka noqdaan go’aanka lagu heshiiyay.

Sida heshiisku yahay waxaa muuqata in Xasan Sheekh u tanaasulay siyaasiyiinta ka aragti duwan madaama qorshihuus ahaa inuu degdeg u meel mariyo wax ka badalka Dastuurka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisul-wasaare Xamze oo qaabilay Xildhibaan Hodan
Next articleDowlada Kenya oo cabsi ka muujisay in Alshabaab weeraraan xafladaha maalmaha kirismiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here