HomeWarkiiDib u dhac mar kale ku yimid furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka...

Dib u dhac mar kale ku yimid furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo beri loo balansanaa 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa mar kale lagu dhawaaqay dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo lagu waday inuu furmo berito oo sabti ah taariikhduna tahay 20 Sseptember.

Kulanka waxaa la shaaciyay inuu furmi doono 29-ka bishaan September kadib codsi ka yimid Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqad uu ku saxiixan yahay Xog-hayaha Golaha shacabka Baarlamaanka ayaa la gaarsiiyay guud ahaan Xildhibaanada labada aqal taasoo ay ku cadahay dib u dhigiata furitaanka kalfadhiga 7-aad kadib codsiga Madaxweyne Xassan.

Inta badan sida ay runeysan yihiin dibu dhacyadaan is daba jooga ee u nuuqda shaqa fadhiisinta doorka Baarlamaanka ayaa ah siyaasad ay wadayo Madaxtooyada madaama ay jiraan xildhibaano mucaarad ah oo buuq ku fura shirarka baarlamaanka oo ay usii dheertahay mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaare Xamza.

Si kastaba Xildhibaanada mucaaradka way fahamsan yihiin in danaha madaxtooyada darteed shirarka baarlamaanka loo xanibayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -