Furriinka Aamino Muuddeey iyo Ben Kitili

0

Baraha Bulshada dalka Kenya ayaa lagu hadal hayaa furrniinka Aamino Muuddeey oo ah gabar Soomaali ah iyo Ben Kitili oo ah Wariye masiixi ah oo u dhashay dalka Kenya kana howl gala tv-ga KTN oo kamid ah warbaahinta maxaliga ah, wuxuuna arooskooda dhacay laba sano ka hor.

Inta badan waxay noolashooda ku soo bandhigi jireen baraha bulshada halkaas oo ay ku haysteen taageero aad u ballaaran.

Amina ayaa Barteeda instgramka ku soo qortay “Aniga iyo Ben waan kala tagnay, mustaqbalka waxa xiga ma ogi, laakiin waxaan ku faraxsanahay wakhtigii quruxda badnaa ee aan wada qaadannay, iyo ilmaha qurxda badan ee aan isku dhalnay”.

“Waxay ahayd hal bil oo xanuun badan oo ilmadu ay iga da’aysay balse waxaan ogahay in maalin un aan iftiinkii heli doono”, ayey ku qortay barteeda Instgram-ka.

W/Q: Yusuf Abdi Shire

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here