HomeWarkiiGaadiid nuuca Gaashaaman oo aaga Mariinada looga gubay ciidamada Dowlada

Gaadiid nuuca Gaashaaman oo aaga Mariinada looga gubay ciidamada Dowlada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dagaaladii shalay galab ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa saaka waaga ugu baryay dadka reer Muqdisho rasaastii iyo hugunka madaafiicda oo wali dhaceysa xili warar kala duwana ay ka soo baxayaan.

Aaga xaafada Barmuuda ee Degmada Howlwadaag wali waa siyaalhii lagu oagaa halkaasoo ay isku hayaan ciidamada Dowlada iyo ilaalada Xasan Cali Khayre waxaana muuqa in isbadal wayn uusan jirin islamarkaana wali ay is difaacayaan ciidamada Xasan Cali Khayre iyo Jacfar ay hor kacayaan.

Dhanka Aaga Mariinada oo iyadana dagaaladu waaga ugu baryeen waxaa saaka laga helay sawir cadeynaya mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee baabayaasha loo yaqaan oo laga gubay ciidamada Dowlada xili ay halkaasi isku hayaan ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

Isgoyska Mariinada ilaa guriga uu Xeebta Liido ka degan yahay Shariif ayuu dagaalku ku badnaa walina dhinacyadu kama hadlin khasaaraha nafeed ee ciidamada kala gaaray.Saraakiish Ciidamada Dowlada ayaa doonaya inay dagaalka kaga adkaadaan mucaaradka oo Magaalada oo dhan ka saaraan laakiin waxaa muuqaneysa saacado badan oo dagaalku socday in mucaaradku is difaacayaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -