Xog degdeg ah oo aan faahfaahin badan laga heynin ayaa naga soo gaartay ilo wareedkeena gaarka ah taasoo tilmaameyso in 4 gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay soo gaareen duleedka deegaanka Barya Cadde ee cirifka soke ee G/Sh/Hoose.

Xogtu waxay intaas ku dareysaa in gaadiidkaan oo kala ah UD caddaan ah,Hariel Cadaan,Saruf Madow iyo Noah qalin ah oo loo qorsheyay in lagu weeraro goobo xasaasi ah oo ku yaallo gudaha Muqdisho, todod baadyada soo socda waxaana goobahaasi laga xusay:-
– Hotelada, iyo Xarumaha dawlada,
– Xerada Turki-Som.
– Xarunta dambi baarista.

Sida xogta lagu sheegay gaariga Noah-da waxaa la socdo 6 maleeshiyo oo loo qorsheyay inay weerar toos ah ku qaadaan hadba goobta bartilmaameedku noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here