Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaya in Maanta halkaasi la gaarsiiyay gaadiid xamuul ah oo sida gargaar bini’aadantinimo

Todobo ambalaas iyo 83 baabuur oo gargaar bini’aadantinimo ah ayaa maanta galay Gaza xili dad badan gaajo la macluulayaan.

Advertisement

Gaadiidkaan ayaa lagu konoroolay magaalada Nitzana ee dhulka Israa’iil Maamusho ka hor inta aysan galin Qaza iyagoo sii maraya marinka Rafah, sida uu sheegay xafiiska isuduwidda Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta (COGAT).

Wuxuu intaa ku daray in marinka Karem Abu Salem (Kerem Shalom) ee u dhexeeya Gaza iyo Israel loo xiray kormeerka gargaarka ee codsiga Qaramada Midoobay sababo la xiriira caqabadaha saadka.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa marar badan ku eedeeyay Israa’iil inay xannibtay gargaarka bini’aadantinimo ee muhiimka ah, shidaalka iyo agabka soo gala Qaza, taasoo uga sii dareysa xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran oo markii horeba ka jirtay gudaha dhulka go’doonsan.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Image

Previous articleDhimashada shacabka Gaza oo ku dhaw 21-kun
Next articleXiisad dagaal oo saaka ka taagan duleedka waqooyi Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here