HomeWarkiiGaari hub u siday Alshabaab oo lagu qabtay Alshabaab

Gaari hub u siday Alshabaab oo lagu qabtay Alshabaab

BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ay qabteen gaari hub u siday kooxda Alshabaab.

Xiisad ka dhalatay gaariga oo lagu muransan yahay ayaa ka taagan Magaalada Buulo-burde markii qaar ka mid dadka degmada ay sheegeen in hubkaani ay leeyihiin ciidamo ka tiran kuwa Dowlada Somalia waxaana lagu haya oo la geeyay xarunta ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka ee Buulo-burde.

Wararku waxay intaasi ku darayan in gaarigaani hubka sida la doonayay in si qarsoodi loogu gudbiyo deeganada Alshabaab heystaan si looga iibiyo balse uu sirdoonka qaranka Somalia ka war helay sidaasna ay ku qabteen intaan buulo-burde laga saarin.

Gaariga oo magaciisa iyo nuuciisa aan faahfaahin laga helin ayaa la soo sheegayaa inuu siday hub badan,gaariga,darawalkii iyo dadkii la saarnaba waxaa gacanta ku haya sirdoonka qaranka ee ka howlgalka Magaalada Buulo-burde.

Sanad ka hor ayay ahayd markii ciidamada NISA  Muqdisho ku qabteen gaari sida hub iyo rasaas iyadoo markaana la xirey darawalkii gaariga waday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -