MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Degmada Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir waxaa goor dhaw ka dhacay qarax miino kaasoo lagu xirey gaari nuuca raaxada ah.
Gaariga oo hor yaalay guri ku yaal Degmada Garasbaaleey ayaan la ogeyn ilaa hada ujeedka laga damacsanaa balse waxaa sawirada laga soo qaaday ay muujiyaan burburka gaariga gaaray oo kaliya.
Ciidamada Dowlada oo goobta qaraxa gaaray wali wax wara kama soo saarin iyadoo la tuhunsan yahay in Alshabaab ay ka danbeeyaan qaraxaani.
wixii war ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon kartaan insha allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE
DAYNIILE