Wararka laga helaayo Deegaano hoos taga degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in howlgalo ay halaasi ka wadaan ciidmamada Dowlada Soomaallya iyo kuwa Deegaanka ay guulo ka sheeganayaaan.
Sida lagu baahiyay warbaahinta Doewlada Soomaaliya Howlgaladaan oo ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Gumarka Cosobow Cali waxaa lagu dilay qaar ka mida dagaalamaasha Alshabaab.
Ilaa iyo 10 dagaalame ayay saraakiishu sheegeen inay ku dileen howlgaladaas ka socda tuulooyinka hoos taga Degmada Ruuir-good.
Sidoo kale Warkaan ka soo baxay dhanka Dowlada waxaa lagu sheegay inay burburiyeen gaari Noah ah oo Alshabaab-ku ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa.
Tan iyo markii bartamihii bishii May ee sanadkii tagay la doortay Madaxxweyne Xasan Sheekh waxaa socda dagaalo saf balaaran oo u dhexeeya Alshabaab iyo Dowlada markii uu madaxweynuhu wacad ku maray inuu dalka ka saarayo Alshabaab muda xileedkiisa inta uu socdo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM