HomeWarkiiGaashaan-buurta NATO oo shaacisay howlgal ka dhan ah Ruushka

Gaashaan-buurta NATO oo shaacisay howlgal ka dhan ah Ruushka

Gaashaan-buurta NATO oo ay ku wada jiraan Reer Galbeedka ayaa ku dhaqaaqay howlgal ka dhan ah Dalka Ruushka kadib markii maalmihii ugu danbeeyay diyaaradaha dagaalka Ruushka lagu arkay hawada dalal ka mida NATO sida Poland.

Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte oo goor dhaw shir jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqay howlgal ay ugu magacdareen Eastern Sentinel kaasoo salka ku haya inay ciidamo sida ugu dhaqsiyaha badan geeyeen xuduuda ka dhaxeysa Ruushka iyo dalalka NATO ku jira sida Poland si NATO uga feejignaato weerar ka iman kara Ruushka.

Mark Rutte wuxuu cadeeyay in dhaq-dhaqaaqyada Milateri ee Ruushku iyo ku takrifalkooda hawada Yurub ay noqotay kuwo soo laab-laabta sidaas daraad ay hada doonayaan inay mideeyaan awodooda si ay uga hortagaan Ruushka.

Xoghayaha guud ee NATO wuxuu carabka ku adkeeyay  inay hada diyaar yihiin qaar ka mid ah dalalka NATO sida Faransiiska, Ingiriiska, Denmark,,Jarmalka iyo kuwo kale si ay u sameeyaan difaac ay kaga hortagaan isku dayada Ruushka.

Dhanka kale Ruushka ayaa laga cabsi qabaa inay caro badan ka muujiyaan talaabada NATO xili bilahaan danbe dunida ay ka soo cusboonaadeen colaado suurtagal ka dhigi kara dagaalka 3-aad ee Dunida.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -