Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, oo ah Taliyaha Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay go’doon galeen Ciidamada uu hoggaaminayo ee 25kii Agoosto 2023 guda u galay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in Ciidamadu ay wadaan howlgallo baaxad weyn sidaas awgeed aanay jirin wararka la sheegayo ee ah in ay ku go’doonsan yihiin Degmada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Advertisement

“Dagaal baa socda, dagaalku waxa uu u muuqdaa in uu yahay midkii ugu dambeeyay ee lagu ciribtirayo Khawaariijta, Ciidanka Ceelbuur jooga dhowr habeen ayay ku hoydeen mana jirto go’doon ama dhibaato heysata, ciidamadaan oo ah kuwo lagu kalsoon yahay in uu cadawga jabiyo ayaa wada howlgallo uu ku raadsanayo Khawaariijta” ayuu yiri Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah Taliyaha Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib.

Waxa uu difaacay qorshaha lagu fuliyay howlgallada ka socda deegaannada dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaana uu ku dooday in Ceelbuur ay tahay Ubucda ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada howlgallada wada ee uu hoggaaminayo ayuu ku sheegay in ay yihiin kuwo weerar ah sidaas awgeed ay ku qasban yihiin kahortagga duullaan weliba oo loo abaabulo waa sida uu sheegay Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Taliyaha Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib.

Previous articleWasaaradda Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka u gudbisay Xisaab-xirka Dowladda ee sanadka 2022.
Next articleFaah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here