HomeWarkiiGabar 18 jir ah oo Nafta dhaafisay walaasheed oo 15 jir ahayd...

Gabar 18 jir ah oo Nafta dhaafisay walaasheed oo 15 jir ahayd kadib muran ka dhashay isticmaalkooda TikTok

Wararka laga helaayo Dalka Pakistan ayaa sheegaya in dil naxdin leh uu ka dhacay Degmada Gujranwala ee gobolka Punjab kadib muran ka dhashay isticmaalka aalada Tiktok markii Gabar 18 jir ah oo Nafta dhaafisay walaasheed oo 15 jir ahayd.

Muranka sababay in Gabadhaani walaasheed disho ayaa ka dhashay sida la sheegay tirada daawashada TikTok,ugu danbeyn aabaha isku dhalay gabdhaha is dilay ayaa dacweeyay gabadhiisa gacan ku dhiiglaha noqotay,waxaana la dhigay xabsiga.

Booliiska waxay cadeeyeen in goobta dilka uu ka dhashay ay ka soo heleen hubkii dilka loo adeegsaday kaasoo ahaa mindida khudaata lagu jarjarto ee jikada lagu isticmaalo.

Qaabka dilka uu u dhacay ayaa lagu sheegay in muranka gabdhaha soo kala dhex galay ee daawashada ee Tiktok uu salka ku hayay is haysad dhanka lacagta ah taasoo ugu danbeyn sababtay in Gabdhaha mida weyn jikada ka soo qaadato mindi kuna disho walaasheed ka yar oo lagu magacaabi jirey Zubia Manahil.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -