Gabadhan oo baraha bulshada caan ka ahayd ayey saaxibbadeed sheegeen inay in muddo ahba daroogo isku duri jirtay. Waxay sheegeen in marka ay muuqaallada TikTok duubayso ay badanaaba adeegsan jirtay daroogooyin.

 

Booliska ayaa diiwaan galiyey kor u kac ku yimid adeegsiga daroogada ee magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan, iyada oo dumarku ay ka mid yihiin dadka maandiiriyaha isticmaala. Waxaa la sheegay in dadka ay helaan noocyo cusub oo daroogo ah.

 

Iyada oo dadka ay cuni jireen khaadka oo isagu aan sharci darro ka ahayn Soomaaliya – cabitaanka khamriga, dhuuqista koollada ama cabitaanka xashiishka, ayaa hadda waxay dad badan barteen isticmaalka daroogada la isku mudo taas oo si toos ah luugu durayo xididdada dhiigga qaada. Waxaa ka mid ah daroogooyinkan kuwa loo yaqaan morphine, tramadol, pethidine iyo codeine.

 

Billowgii bishan Disembar ayey boolisku garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka qabteen shixnad daroogo ah taas oo u badnayd noocyada la isku duro  halkaas oo lagu xiray qofkii soo dhoofiyey maandooriyahan.

 

“Daroogada kiniiniga iyo irbadda ah ayaa u badan waxa ay gabdhuhu isticmalaan,” ayuu yiri dhaqtar Muqdisho ku sugan, kaas oo codsaday inaan la magac-dhabin maaddaama uu mowduucani yahay mid xasaasi ah.

“Qaar badan oo ka mid ah daroogooyinkani waa kuwo qabatiin leh waxaana si dhib yar looga gadan karaa farmashiyada magaalada dhexdeeda”

 

‘Waxaan billaabay inaan gawaarida dhex seexdo’

Mid kale oo daroogo caan ah oo ay dumarku isticmaalaan, waa nooc tubaako la ruugo  oo “tabbuu” loo yaqaan taas oo sababta kansarka afka iyo cunaha.

 

Aamino Cabdi, oo 23 jir ah, waxay daroogo isticmaalaysay shantii sano ee u dambaysay. Inkastoo isticmaalka daroogada ee dumarku uu ceeb ka yahay Soomaaliya haddana waxay go’aansatay inay BBC-da kala hadasho iyadoo rajaynaysa in ay jabiso aamusnaanta si iscabudhintu uga yaraato.

 

“Waxaan ruugista tabbuu-ga la billaabay gabdho aan la noolahay,” ayey tiri.

“Waxay i bareen dhaqan xun. Waxaan la qabsaday tubaakada kadib waxaan u guuray daroogada xoogga badan ee la isku duro siiba tramadol iyo pethidine.

 

Aamino ayaa sheegtay in isticmaalkeeda daroogadu uu cirka isku sii shareeray kadib markii ninkeeda uu khilaaf soo kala dhex galay. Waxay hadda iyadoo la furay wada noolyihiin gabadheeda.

 

“Sababta ugu weyn ee aan daroogada ula qabsaday waa ninkaygii hore awgii. Balwadeyda daroogada wuxuu gaadhay heer aan gawaadhida iyo waddooyinka dhex seexdo.”

 

Aamina ayaa hadda isku dayeysa inay iska goyso isticmaalka daroogada balse waxay sheegtay inay taasi ku adagtahay maaddaama aysan Soomaaliya ka jirin xarumo dhaqan celineed ooh aboon si ay u maarayso joojinteeda daroogada.

 

Waxay sheegtay in aanay suurta gal ahayn joojinta dhammaan daroogada hal mar. Waxay ku guulaysatay inay dhinto isticmaalka tan la isku duro balse waxay wali ruugtaa tubaakada, shiishadna way cabtaa.

 

Waaliddiinta siiba hooyooyinka ayaa aad uga walwalsan dhibaatooyinka maandooriyaha ee gabdhahooda kuwaas oo badankood weli dugsiyada dhigta.

 

Khadiijo Aadan ayaa ku baraarugtay in gabadheeda 14 jirka ah ay lasoo baxday dabeecado aan lagu aqoon

“Waxay bilLowday inay seexato xilLiyo aan munaasib ahayn waxaana ku arkay dhaqan cusub” ayey tiri .

 

“maalin maalmaha ka mid ah waxaan boorsadeeda ku arkay kiniiniga tramadol iyo tubaakada la ruugo. Waan ku qabsaday waxayna ii sheegtay inay billowday isticmaalka daroogada ka dib markii ay cadaadis kala kulantay gabdhaha kheyrkeed ah.”

 

Khadiijo ayaa gabadheeda geysay xarun ay maamulaan qolyo culumo ah. Ma isticmaasho hadda waayo halkaa kama helayso daroogo.

Waaliddiin badan ayaa xarumaha noocan oo kale ah geeya carruurtooda si loogu dhaqan celiyo gaar ahaan kuwa xanuunnada dhimirka qaba iyo kuwa daroogada isticmaala.

 

Xadgudubyo halis ah ayaa xarumaha qaar ka dhaca oo ay ka mid yihiin in silsilad lagu xiro qofka iyo waliba garaacid loo gaysto dadka halkaas lagu hayo.

 

Maaddaama ay la tacaalayso abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah iyo wax soddon sano ka badan oo dagaallo ah, Soomaaliya oo aan lahayn ilo dhaqaale oo ku filan ayaan awoodin inay daboosho baahiyaha aadmiga ee aas’aasiga ah, inta aan la gaarin dhibaatooyinka sida daroogada iyo waxyaabaha la midka ah.

 

Hay’ado tiro yar ayaa isku dayaya inay wax ka qabtaan arrintan iyaga oo faafiya wacyi galin ku saabsan halista uu leeyahay maandooriyuhu.

Ururka Bisha Cagaaran ayaa booqda dugsiyada iyo jaamacadaha si ay uga digaan ardada noocyada kala duwan ee balwadaha sida, daroogada, qamaarka, ciyaaraha, iyo baraha bulshada.

 

Siraad Maxamed Nuur ayaa maamusha hay’adda Mama Ugaaso, taas oo diiradda saarta maandooriyaha ay adeegsadaan da’ yarta, gaar ahaan gabdhaha.

 

“Waxaan samaynaa wax waliba oo aan ku nacsiinayno dhalinta isticmaalka daroogada annaga oo qabanna barnaamijyo wacyi galineed oo dhalinta u iftiiminaya halisaha caafimaad ee lala xiriiriyo maandooriyaha.

“Waxaan sidoo kale kula talinaa dawladda inay tallaabo ka qaaddo arrinkan. Balse intan oo kali ah kuma filna. Talaabo adag ayaa loo baahan yahay in la qaado si aanay xaaladdu fara uga sii bixin gaar ahaan caruurta darbi jiifka ah dhexdooda.

 

Sida laga soo xigtay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha, in ka badan 40% carruurta darbi jiifka ah waxay isticmaalaan daroogo.

Inkastoo khaadka, koollada iyo tubaakadu ay yihiin kuwa badanaa ay isticmaalaan carruurta waddada ku nool, haddana daraasad ay samaysay wasaaradda ayey ku sheegtay in ku dhowaad 10% ay sitcimaalaan daroogada la isku duro iyo 17% oo cuna kiniiniga hurdada.

 

Kororka isticmaalka daroogada ee dhalinta la faquuqo ayaa kordhinaya dambiyada iyo xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha.

Sida laga soo xigtay waaxda baarista ee Somali Public Agenda ayaa waxay daroogadu sidoo kale horseedday inay abuurmaan budhacadda loo yaqaan ciyaal weero kuwaas oo magaalada Muqdisho argagax ku riday.

Mararka qaar waxaa daroogada loo adeegsadaa in looga faa’iidaysto dumarka iyada oo la kufsanayo marka la siiyo daroogada.

 

Waxaa jira halis ah in koboca isticmaalka daroogada uu kor u qaado xanuunka HIV iyo Aids oo aad u hooseeya hadda Soomaaliya.

 

“Kor u kaca dadka isku mudaya daroogada, gaar ahaan opioids, ayaa qayb idil dhalinta Soomaalida kamid ah halis u galinaya inay qaadaan xanuunkan,” ayay tiri dhaqtarad Sacdiya Cabdisamad Cabdullaahi, oo ah maamulaha barnaamijka HIV ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here