Gabar da’yar oo u dhalatay Afghanistan oo dishay laba ka mid ah dabley ka tirsan ururka Taalibaan oo dilay waalidkeed

0

Waxaa saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hayaa arin aad loola yaabay, oo ah in Gabar da’yar oo u dhalatay dalka Afghanistan ay dishay laba ka mid ah dabley ka tirsan ururka Taalibaan oo dilay waalidkeed, iyada oo gabadhaasi lagu tilmaamay “halyeeyad” geesi ah.

Mas’uuliyiinta gobolka Ghor waxay sheegeen, gabadha yar iney qaadatay qoriga AK-47 oo ay waaliddiinteeda lahaayeen, kaddibna ay dishay laba ka mid ah dableydi weerarka soo qaatay qaar kalana dhaawacday.

Waxayna intaa ku dareen, dabley ka tirsan ururka Taalibaan iney aabbaheed soo weerareen iyaga oo ku beegsanaya aabbaheed inuu dowladda taageero u yahay.

Sidoo kale Gabadhan yar ee qoriga haysata uu sawirkeeda muuqda ayaa maalmihi u dambeeyey si weyn loo hadal hayey.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here