Maxkamadda Milimani ee kutaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa gabar ku xukuntay in ay bixiso lacag gaareysa 23,750 Ksh , kaddib markii wiil ay saaxiibo ahaayeen ka cuntay lacag dhan 3,000 Kshs, kadibna uga baxday ballantii ay lahaayeen.

Gabadhan ayaana wiilka ka codsatay in uu usoo diro lacag ay kusoo raacdo taxi si ay uga qeyb gasho xaflad dhalasho uu dhiganayay saaxiibkeed , balse markii lacagtii loo diray ayey dansatay telfoonkeeda, iyada oon iman xafladii saaxiibkeed ku casuumay.

Ninka lacagta laga qaatay loona ganbiyay oo carrooday ayaa waxa uu tagay maxkamada si uu dacwad ugu furo gabadha lacagta ka cuntay kadibna u ganbisay, waxa uuna maxkamada hor dhigay cadaymo ay ka mid yihiin qoraalkiisa M-pesa iyo WhatsApp-ka ay ku wada sheekeysanayeen isaga iyo saaxiibtiisa kahor inta aysan telfoonka ka dansan.

Maxkamadda ayaa ku amartay Haweeneyda lacagta ninka been beenta ku cuntay in ay ninka u soo celiso 3,000 oo Ksh oo ay ku darayso 750 Kshs iyo 20,000 oo Ksh., gabadhan ayaana ku xiran xabsi iyadoona qoyskeeda laga sugayo bixinta lacagtaasi magdhawga ah.

Gabar Walbo nin maskiin ah xoolihiisa been been ku cunta maku talin laheyd in la xiro

W/Q Gacal Ayman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here