⁰Raiisel wasaaraha Australia wuxuu raali galin ka bixiyay shaqaalihii hore ee la sheegay in lagu kufsaday xafiiska baarlamaanka

Raiisel wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu kaqeyb galayaa shir jaraa’id si uu uga jawaabo eedeymaha xadgudubka galmada ee ay soo jeedisay shaqaalaha Brittany Higgins ee ka dhanka ah nin shaqaale ah oo ka tirsan aqalka baarlamaanka.

Raiisel wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu raali galin ka bixiyay talaadadii mid ka mid ah shaqaalaha dowladii hore oo sheegtay in nin ay saaxiibo yihiin ku kufsaday aqalka baarlamaanka labo sano ka hor.

Morrison ayaa balan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono kufsiga la sheegay iyo dhaqanka ka jira gudaha caasimada siyaasada ee wadanka, maalin kadib markii shaqaalihii hore ee shaqaalaha ay warbaahinta ula tagtay sheekadeeda.

Brittany Higgins waxay ku andacooneysaa inuu kufsaday nin ay isla shaqeyn jireen oo ka tirsan xafiiska wasiirka gaashaandhiga kadib munaasabad shaqo fiidkii bishii Maarso 2019.

Wareysi ay siisay barnaamijka ‘Network’ 10 ee ka socda Australia ” Mashruuca ” Isniintii, ayay Higgins ku sheegtay inay isku dayday inay gurigeeda aado, laakiin saaxiibkeed aan la magacaabin ayaa ku adkeystay inay tagayaan guriga baarlamaanka iyagoo tagaasida wata si ay “wax u soo qaadaan”, halkaasoo ay sariirteeda ku dhaaftay .

Waxay u sheegtay “Mashruuca” inay ku soo baraarugtay inay aragto asxaabteeda oo dul saaran “bartamihii kufsi”, markii ay ku celcelisayna ka codsatay inuu joojiyo, ma uusan sameyn. Higgins si cad umay aqoonsan kufsiga ay sheegtay.

Higgins waxay sheegtay inay bilayska lahadashay horraantii Abriil 2019, laakiin waxay go’aansatay inay samayso cabasho rasmi ah iyadoo ay jirto walaac laga qabo mustaqbalkeeda shaqo.

“Ma ahan go’aan sax ah aniga shaqsiyan, gaar ahaan marka la fiiriyo dalabaadka goobteyda shaqada,” ayay qortay, sida ay ku warantay Australia’s news.com.au. Booliska Canberra ayaa u xaqiijiyay Reuters inay la hadleen qof cabanaya bishii Abriil 2019, laakiin waxay dooratay inaysan sameynin cabasho rasmi ah.

Isha News Now: waa Turjumadii C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here