MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Samira Gaid oo la taliye ka ahayd Wasaarada Amniga gudaha Somalia ayaa wareegto ka soo baxday wasaarada shaqada looga joojiyay.

Haweeneydaan ayaa si gaar ah waxay la yaliye ugu ahayd Mashruuca SJGAB kaasoo ay maalgeliso Midowga Yurub,

Advertisement

Gabadhaaan waxaa lagu eedeeyay qoraal ay soo dhigtay barteeda X oo hore loogu yaqaanay Twiter inay arimo siyaasadeed ka hadashay xili looga baahnaa dhex dhexaadnimo.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa joojisay heshiiska latalinta Samira Gaid ee Mashruuca SJGAB, kaasoo ay maalgeliso Midowga Yurub, sababo la xiriira qoraaladeeda siyaasadeed ee Twitter-ka,

Wasaarada Amnigu waxay xustay in qoraalkaasi  yahay mid khilaafsan madax banaanida iyo waliba dhex dhexaadnimada laga rabo qofka la taliyaha ah..

Inkastoo dadka xilalka haya badankood qoraalo dheeraad ah dhiigaan baraiooda bulshada hadana masuuliyiinta Wasaarada Amniga waxay gabadhaan ku eedeynayaan iyadoo Dowlada xubin ka ah inay hadana durtay Dowlada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleWasiirka Cadaalada Somalia oo xalay la afuray shacabka  Degmada Dayniile +SAWIRRO
Next articlekumanaanka reer Falastiin ah ma waxaa ka qiima badan shaqaalaha hay’adaha samafalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here