NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Kenya qeybtooda danbi baarista ayaa xabsiga dhigeen Caasha Qassim oo ah gabar Soomaaliyeed taasoo laga watay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi .
Caasha Qassim oo 30 jir ah waxaa loo heystaa oo ay ku eedeysan tahay inay maalgeliso kooxaha argagaxisada ah waa sida ay Booliiska kenya gaar ahaan danbi baaristu eeda u dhigeen.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada ay gabadhaan ka soo qabteen waddada Major Muriithi ee ku taalla xaafadda Islii halkaasoo ay ku sugneyd markii ciidamadu u daateen inkastoo wali maxkamad la saarin islamarkaana cadeyn la soo bandhigin.
Maaha markii ugu horeysay oo ciidamada Kenya Nairobi ama deegaanada kale ka soo qabtaan dad Somali ah oo ay la xiriirinayaan koxaha argagaxisada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

