NAIROBI (DAYNIILE.COM)- Hoteel ku yaal xaafada South B ee Magaalada Nairobi waxaa laga helay Meydka Farxiyo Axmed oo ah Gabar Somaliyeed oo habeen hore halkaasi ku hooyatay xili uu la socday nin magaciisa lagu sheegay Chelsea Mwangi.
Booliiska Kenya oo laga soo xigtay warbixintaan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in qof nadaafada ka shaqeynayay uu isniintii shalay arkay qolka oo iska furan markii ay gashay ay aragtay meydka Farxiyo oo sariirta dul saarmayd.
Sidoo kale Allaha u naxariistee Farxiyo waxaa dhiig uu ka socday sanka iyo afka xiliga ay dul saarnayd sariira taasoo cadeyn u noqon karta in la dilay Farxiya.
Milkiilaha hoteelka, Joyce Wangari oo arintaani ka hadlay ayaa sheegay in Farxiyo Axmed iyo ninka la socday hoteelka imaadeen axadii islamarkaana ay ku hoydeen habeenkii isniinta soo galaysay .
Si kastaba Booliiska ayaa laga sugayaa warbixin dhameystiran inay ka keenan meydka gabadha islamarkaan cadeeyaan waxa keenay dhimashada Farxiyo dhiiga ka yimid.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
