NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Kooxo aan wali la aqoonsan ayaa la sheegayaa inay xaafada South C ee Magaalada Nairobi ka afduubteen Gabar Soomaliyeed oo lagu magacaabo Munira Bishar Caddow xili ay adeeg ka doonatay tukaan halkaasi ku yaal.
Gabadha oo 20 jir ah ayaa la sheegay in waxyar kadib markii ay guriga ka baxday inay aabaheed soo wacday kuna war-gelisay inuu daba socdo nin aysan aqoon wuxuu yahay.kadibna uu ku yiri u carar meelaha dadku ku badan yihiin.
Gabadha iyo aabaheed markii ay intaas is dhaafsadeen wax yar kadib waa la waayay waxaana loo badaniyaa in la afdubtay.
Waalidka gabadha waxay wargeliyeen hay’adaha amaanka amaanka Kenya kuwaasoo hada ku mashquulsan sidii ay gabadha u soo bad-baadin lahaayeen ,waxay tixraac ku bilaabeen halkii ugu danbeysay ee teelka gabadha lagu damiyay.
Jimcihii oo afrduubkaani dhacay ilaa iminka hay’adaha amaanku wax natiija ah ma soo gud-bin walow shaqadooda ay ku guda jiraan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

