Alle ha u Naxariistee waxaa saacadihii la soo dhaafay dalka Norway lagu dilay Gabar Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Nafiso Janaale.

Gabadha oo degaan ahaan ka tagtay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer Somaliland ayaa waxaa lagu dilay meel u dhow Gurigeeda oo kuyaalla Magaalo katirsan dalka Norway.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilkeeda, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay ka dambeeyeen Kooxo Burcad ah halka wararka qaar la leeyahay waxaa ka dambeeyay Soomaali ay is khilaafeen.

Ciidamo katirsan Booliska dalka Norway ayaa goobta lagu dilay ka qaaday meydka Nafiso Janaale, iyaga oo sheegay inay baaritaan ku sameeynayaan si loo helo dadkii dilay.

Dalka Norway ayaa waxaa  ku sugan Soomaali farabadan oo ka Shaqeysta, waxaana uu kamid yahay dalalka aan inta badan lagu dhibaateyn Soomaalida, isla markaana si Nabad ah ay ugu noolaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here