NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Allaha u naxariistee Zamzam Jilicow oo ah Gabar Soomaaliyeed ayaa maanta meydkeeda laga helay xaafadda Islii magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, gaar ahaana guri ay halkaasi ka daganeyd.
Meydka markii la dul tagay waxaa la qiyaasay inay sedex beri ka hor dhimatay oo intaas ay qolkeeda dhex taahay islamarkaana maanta uun darisku ogaaday madaama intaas la raadiyay gabadha oo muuqeeda iyo maqalkeedaba la ogaaday.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada danbi baarista kenya ee DCI-da ay soo gaareen halka meydka laga saarayay kadibna ay la wareegeen si ay baaritaan ugu sameeyaan in la dilay iyo xanuun ay u dhimatay.
Maaha markii ugu horeysay oo dhacdo nuucaan ah lagu arko xaafadda Islii magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
