Gabar Soomaaliyeed oo lagu Magaacabo Sabariin Mohamed ayaa Kaalinta 1aad ka Gashay Jaamacad ku taalo Dalka Turkiga, waana marki ugu horeesay muddo sanado ah in Gabadhii ugu horeesay ee ajnabi ah oo kaalintaas hiigsato.

Safar dheer kadib Inka badan 150 arday oo ka qalin jibisay jaamacada İstanbul kültür üniversite ayaa xaflad qalan jibin ah waxaa loogu qabtay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xafladaan ayaa waxaa ka qeyb galay bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan ee dowladda Turkiga, waalidiin, macalimiinta Jaamacada iyo ardaydii xaflada qalan jibinta loo qabtay. Ardayda oo ka koobnaa 150 arday ayaa baratay Kuliyadda Fashion Designer oo ay jaamacada bixiso.

Haddaba Waxaa ardaydaas kamid ahaa Arday Soomaaliyeed oo iskugu jira Rag iyo Dumar ayagoo ka qalan jibiyey Jaamacadda, sida la shaaciyey waxaa Kaalinta 1aad ka galay Araday qalan jibineesay guud ahaan Gabar Soomaaliyeed ee lagu Magacaabo Sabariin Mohamed Mohamud, guusha Gabadhaan Soomaalida ah ayaa lagu tilmaamay in ay tahay qofki ugu horeeyey ee kulliyadda Fashion Designer kaalinta 1aad ka gasho gabadha ajaanibta ah ee jaamacadda ka qalan jibiyey muddo 85 sano ah.

Sikastaba ha ahaate Waxaa loo sameeyey Ardayad Sabariin maamuus gaar ah iyadoo la gudoonsiiyay Shahaadadi iyo hadiyado qaas u ah, tani ayaa guul u ah in gabar Soomaaliyeed ka gasho kaalin mug leh jaamacadaha dalka Turkiga ku yaalo mid ka mid ah kuwa ugu taariikhda weyn, inakstoo ay sameesay taariikh lagu xasuusan doono tani ayaa dhiiri galin u ah gabdhaha Soomaaliyeed iyo kuwa Afrika kasoo jeeda.

Sabariin ayaa ku dhalatay Magaalada Muqdishu waxayna kasoo jeedaa qoys udub-dhaxaad u ah bulshada Soomaaliyeed waxayna u soo hoyday guud ahaan Soomaaliya iyo qoyskeydaba guul taariikhi ah waxaa leenahay hambalyo markale waxaan u rajeenaynaa in ay heerkaan mid ka weyn in ay hiigsato sidoo kale Rabbi ku anfaco Cilmiga ay baratay insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here