HomeCiyaarahaGabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirada oo isku diyaarinaya tartanka CECAFA U-17...

Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirada oo isku diyaarinaya tartanka CECAFA U-17 Women’s Championship

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa maanta qado-sharaf iyo dhiirrigelin u sameeyay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirada, kuwaas oo isku diyaarinaya tartanka CECAFA U-17 Women’s Championship ee bisha June ka dhacaya dalka Tanzania.

Taliyaha ayaa sidoo kale guddoonsiiyay ciyaartooyda abaalmarin lacageed oo lagu xoojinayo niyaddooda iyo diyaar garowgooda tartanka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dahabo Suusow, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan guddiga fulinta iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Taliyaha taageerada iyo dhiirrigelinta uu u muujiyay gabdhaha xulka qaranka, isagoo sheegay in tallaabadan ay sare u qaadayso kalsoonida iyo hamiga ciyaartooyda matalaya magaca Soomaaliya.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and tableMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -