GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw oo saaka ah laga soo kaxeynayo gacan ku dhiiglihii xaaskiisa gubay Sayid-Cali Macalin Daauud.

Gacan ku dhiiglaha ayaa markii shalay galab laga soo qabtay tuulo ku dhaw deegaanka Caad waxaa loo soo gudbiyay Xabsi Gaalkacyo ku yaal halkaasuu xalay ku hoyday.

Advertisement

Ciidamo la tirsan Nabad sugida Qaranka Somalai ayaa gacanta ku haya kuwaasoo diyarad qaasa ku soo gaarsiin doona Magaalada Muqdisho si maxkamad loo soo saaro.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inuu ka soo muuqdo saacadaha soo socda insha Allah iyadoona aad loo rajeynayo inuu ciqaabtiisa maro hadii rabi idmo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleC/raxamaan Cabdi-Shukuur oo ka digay sida Dowladu u rabto in dastuurka lagu qabyo tiro
Next articleDAAWO: Suuqa Bakaaraha oo xiran iyo banaan bax Cabasho ah oo ganacsatafy dhigeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here