GAROWE (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Nugaal oo kaashanaya ciidamada amaanka ayaa soo qabtay nin ku eedeysan inuu fal dil ah ka gaystay habeen hore Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland iyo Xarunta G.Nugaal.

Ciidamada Booliiska ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen inay talaabadaan u qaadeen si ay u gutaan
waajibka ka saaran ilaalinta iyo ka hortaga falalka lidka ku ah bulshada iyo deegaanka.

Advertisement

Ninka eedeyaanaha ee la soo qabtay waxay magaciisa ku sheegeen Ayuub Abdiqani Ibrahim (ayuub shiino) kaasoo baxsad ka ahaa hay’adaha amaanka.

Warka Booliiska ka soo baxay waxay sidoo kale ku xuseen in dhawaan sharciga la uor geyn doono eedeysanaha.

“Waxaa socota barista kiiska Dilka oo ay ku dhinteen laba ruux oo kala ahaa  marxuum Sharmaake Ismaaciil Wayrax iyo marxuum Abdifataax Abdiraxman diirye”ayaa lagu yiri warka Booliiska ka soo baxay

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleRasaas lagu furey shacab Mareykan ah oo dhimasho iyo dhaawac sababtay 
Next articleNabadoon Caan ka ahaa Mandheera oo la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here