HomeWarkiiGacan ku dhiigle sabab la yaab leh ku sheegay dil uu u...

Gacan ku dhiigle sabab la yaab leh ku sheegay dil uu u geystay  mid ka mida ilaalada Madaxtooyada Kenya

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Nin hubeysan ayaa albaabka Madaxyooda Kenya ee Nairobi wuxuu ku toogtay mid ka mida ilaalada qaaska ah ee Madaxtooyada laga xukumo dalka Kenya.

Ninka dilka geystay ayaa watay toorey wuxuu ku weeraray askariga ilaalada ka ahaa madaxtooyada xili uu taagnaa afaafka hore ee madaxtooyada kenya.

Dhaawac soo gaaray askariga ayaa loogu qaaday goobaha caafimaadka balse dhexda intii la sii waday ayuu u  geeriyooday dhaawaca tooreyda lagu gaarsiiyay.

Gacan ku dhiiglaha oo durba ay gacanta ku dhigeen laamaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada Kenya ayaa markii la weydiiyay sababta ku kalitay dilka ayuu sheegay sabab la yaab leh oo saraakiisha ka yaabiyay.

Ninkaan tooreysa ku dilay askariga ayaa sababta dilka ku kaliftay wuxuu ku sheegay inuu sheydaan u so diray dilka askariga tasoo ka yaabisay saraaiishii su’aalaha weydiineysay markii la qabtay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -