Rag waa wayn ayaa soo qoraya Ciidamadii Laabka & Kuwii Laamiga ayaa baaq soo diray Dagaal ayaa dhacaayo, Galmudug waa Labur burinaya,

Sidoo kale Ciidankii Labada Dhagax dhaxdood & Kuwii Jiqda & Jiinkadaha Ayaa Saakay usoo Jarmaaday Dhuusamareeb,

Intaas oo Qaylo ah oo Qarbudaad iyo been ah oo balaayo Abuur ah Waxaa sabab u ah in kamid ah Dadka dega Galmudug oo Madaxwayne Qòor Qoor Kawaayay Danyar Ama ku haysta Madaxwaynaha oo Matala Maamul ka kooban 11 Qabiil Lasafo Qabiilkaaga.

Madaxwayne Qoor Qoor Waa shaqsi isku haya 11 Qabiil Dhanka Saamiga Awood qaybsiga Mana sahlana in uu Si fudud ugu Milmo Siyaasad Madaxa Lagashay Qabyaalad oo berrito si fudud Xal looga gaari karo. Waa Masuul looga Fadhiyo isku haynta Qabiilada Tunka wayn & Kuwa Tunka dhaxe & Kuwa Tunka yar,

Wasiirkiisa boostada Qoryooleey & Wasiirkiisii Amniga Fiqi oo laba beel kala ah ayaa la kala safan Labada Masuul ee khilaafka ka dhaxeeyo, caqli gal ma tahay Nin haya Maamul noocaas ah in Lagu cadaadiyo Dhinaca aad ka dhalatay Raac?!
Haday Galmudug burburtana waxaa dhibka ugu wayn gaarayo Waa dadka Galmudug ee Ma ahan Qoor Qoor.

Galmudug oo Kala yaacsan ayaa halmar laysku keenay oo jaanis loo helay in La dhiso Galmudug Muuq & Magac leh, ilaalinteedana Waa arin u baahan Maskax iyo Deganaan,

Hadii khilaafka rooble & Farmaajo laga dhigo Qaab qabiil oo Qoor Qoor lagu Cadaadiyo in uu Qabiil ahaan uraaco dhinac waa wax saamayn doonto Galmudug waana Wax kala shaki iyo Nacayb u keeni karta Caabudwaaq & Cadaado.

Maanta Madaxwayne Qoor Qoor Waxa uu hayaa Dad iyo Deegaan isku furan ilaa xad oo isla shaqeeya hana lagu ixtiraamo Masuuliyaddaas baaxadda leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here