HomeWarkiiDAAWO: Ganacsade Jabuutaawi oo digniin culus u direy Hogamiye Firdhiye

DAAWO: Ganacsade Jabuutaawi oo digniin culus u direy Hogamiye Firdhiye

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo caan ka ah deegaanada Maamulada Puntland iyo Waqooyi bari Somalia ama SSC Khaatumo ayaa  cadeeyay inuu doonayo inuu noqdo Madxweynaha Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia xili uu eedeyn ba’ana  jeediyay hogaamiyaha maamulka ee waqtigu ka sii dhamaanayo.

Ganacsade Jabuutaawi wuxuu ku dhaliilay Hogaamiye Firdhiye inuu dalka dibadiisa ka wacay dad u dhashay deegaankooda xili ay dalka ku sugan yihiin isaga masuuliyiin kale oo u soo halgamay SSC Khaatumo ama Waqooyi Bari islamarkaana ay diyaar u yihiin inay hogaamiyaan Maamulka.

Ganacsadahan oo lagu bartay maalgelinta halgankii reer Khaatumo u soo galeen inay deegaanadooda ka saaraan Ciidamadii Maamulka Somaliland oo ay ka tirsanaan jireen si ay iyagu dhulkooda u maamushaan ayaa si cad u sheegay inuu halganka ugu jirey si uu madax u noqdo.

Hogaamiye Firdhiye wuxuu ugu baaqay bilaha u harsan inuu ku qabto doorashooyinka isagoona uga digay falalka uu ku kacay ee ah inuu dad qurbaha jira ugu yeero inay dalka imaadaan xili dadkii soo halgamay oo isagu ka mid yihiin ay joogaan.

“Firdhiye waan is naqaan caruurtaadu Nairobi bay ku nool yihiin anigase caruurteyda iyo qoyskeyda waxay ku sugan yihiin Laascanood xiligii dagaalka iyo hadaba,hooyadeey oo aan dad u jeclahay dagaaladii ayay ku dhimatay hoobiye guriga ugu soo dhacay darteed”ayuu yiri Ganacsade Jabuutaawi oo la garnaqsaday Firdhiye.

Hadaba faah-faahinta hadalada Ganacsade Jabuutaawi halkaan ka daawo:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -